Haddii aad ka mid tahay dadka aan jecleyn dhadhanka qaxwada iyo noocyo kale oo raashinka ah, qaar kalena aad dhadhankooda ka heshid, kaligaa ma tihide waa lagula qabaa dareenkaas.

Cilmi-baaris cusub ayaa lagu soo bandhigay noocyada raashinka ay ku farxaan iyo kuwa ay ka caroodaan ilmaha ku jira uurka.

Daraasad ay dhawaan seynisyahanno ku sugan yuukay ku sameeyeen boqol haween ah oo uur leh iyo ilmaha calooshooda ku jira ayaa lagu ogaaday in marka ay hooyada xaamilada ah cunto karooto ay ilmaha uurkeeda ku jira ”dhoolla-caddeeyaan” marka ay khudaarta cagaaran cuntana ”aysan ku farxin”.

Dumarka ka qeyb qaadanayay daraasadda ayaa la siinayay kiniiniyo ka sameysan karooto budo laga dhigay, halka sodon iyo shan ka tirsan haweenkaas la siiyay kiniiniyo ay ku jirto budo ka sameysan khudaarta kabashka.

 Soddon kalena lama siin labada kiniini midna.

Maxay noqotay fal-celinta ilmaha ku jira uurka?

Kooxda seynisyahannada ah ee daraasaddan soo saaray ayaa waxa ay Majalladda ka faalloota Seyniska Cilmi-nafsiga ku qoreen in labaatan daqiiqo kaddib markii hooyooyinka uurka leh la siiyay karootada ay raajooyinka laga qaaday sawirradooda muujiyeen inay ku farxeen, ayna dhoolla-caddeynayeen.

Ilmaha ay gaartay saameynta budada khudaarta kabashka ayaan ku farxin dhadhankaas, waxaana sawirradooda wajiga ka muuqatay in ay caroodeen.

Sawirrada ayaa lagu qaadayay raajooyinka casriga ah ee loo yaqaanno ”afar D ultrasound”.